Sawiro: Ninkii ugu taajirsanaa dalka Iiraan oo dil lagu xukumay

14572952901b5f5Maxkamadda Iran, ayaa waxay maanta xukun dil ah ay ku xukuntay ganacsadaha caanka ah ee Babak Zanjani, ka dib markii Maxkamaddu ay sheegtay in dembi musuq maasuq lagu helay.

Afhayeen u hadlay Maxkamadda oo lagu magacaabo Gholam-Hossein Mohseni-Eje’I, ayaa sheegay in ganacsadaha iyo laba nin oo kale ay Maxkamaddu ku heshay inay wadanka Iran ku faafinayeen waxa uu ugu yeeray musuq maasuq.

“Xukunka Babak Zanjani iyo laba eedeysane oo kale oo dacwadda kula jiray ayaa laga soo saaray go’aan horudhac ah. Maxkamadda ayaa xaqiiqsatay in saddexdan nin ay dalka ku faafinayeen musuq maasuq, laguna xukumay dil.” Ayuu yiri Afhayeenka oo ka soo muuqday Telefishinka Qaranka.

Xeer Ilaalinta Iran, ayaa kol sii horeysay ku eedeysay ganacsadaha inuu ka faa’iiday xayiraadii dhaqaale ee Reer Galbeedku uu ku soo rogayn dalkaasi.

Babak Zanjani, ayaa beeniyay inuu lunsaday lacag dhan 2.7 bilyan oo dollar. Zanjani waxaa uu Dowladda Iran uu ka caawiyay iibitan saliidda, mudadii ay xayiraadda adag saarneyd.

Zohreh Rezalee oo ah haweeneyda qareenka u ah ganacsadaha, ayaa xukunka ku tilmaamtay mid la siyaasadeeyay, hase ahaatee ay racfaan ka qaadanayaan.

Hassan Rouhani, Madaxweynaha Iran, ayaa dhammaadkii sanadkii 2013-kii amray in la soo xiro ganacsadaha ugu taajirsan dalkaasi, ka gadaal markii uu soo saaray awaamiir lagula dagaalamaayo dadka sharfan ee ka macaashay xayiraaddii dhaqaale ee Iran.

1457295308e17f7 1457295347ace2f 14572952901b5f5 145729527669a12 1457295283538b3 14572952984869b

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here