Ninkii ugu Horeeye oo isbaara Utiilay oo Maanta Lagu Toogtay Muqdisho

Kadib markii Madaxweynaha Soomaaliya uu soo saaray wareegta lagu diidanyahay isbaarooyinka loo dhiganayo shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa bilaawday guluf kadhabn ah isbaarooyinka, waxaana subaxnimadii saaka lagu dilay degmada Dharkeynley ee gobalka Banaadir nin la’arkay isaga oo Isbaaro dhiganaya.

Maamulka Degmada Dharkeynley ayaa waxa uu xaqiijiyay in ciidamada amaanka degmadaasi oo baadi goob ugu jiray shaqsiyaas jebeniyana amarkii maxdaxweynaha ay arkeen askarigaan oo isbaaro dhiganaya bartamaha Suuq Boocle halkaas oo uu ka aruursanayay lacago baad ah.

Ciidamada ayaa askarigaasi oo horay uga mid ahaa ragii isbaarooyinka cagta laga mariyay kudileen isla meesha uu lacagaha sharci darrada ah ka guranayay.

Dilkaan lagu kharijiyay ruuxaan lagu eedeeyay in uu isbaaro dhiganayay ayaa waxa uu fariin cad u yahay Isbaariistayaasha ku haminayay in ay sii wadaan baada shacabka ay kuhayaan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa geba gebadii bishii tagaty waxa uu soo saaray wareegta uu ku mamnuucayay Isbaarooyinka shacabka lagu dhibaateyn jiray ee guud ahaan goobaha dowaldu ay kataliso gaar ahaan gobalka Banaadir.

Maalmihii tegay ayaa isbaarooyinka gobalka Banadir oo dhan waxaa ka qaadayay ciidamo iskaabaya oo kasocda Boolisdka iyo nabad sugidda iyaga oo ku guleesty in guud ahaan ay cagta mariyaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here