Ninkii naqshadeeyay Koobka Adduunka oo da’da 95-aad ku geeriyoodey

koobkaWaxaa magaalada Milano ku geeriyooyed ninkii naqshadeeyay Koobka Adduunka dahab-yahanka Silvio Gazzaniga, kaasoo koobab badan u sameeyay dunida kubadda cagta gaar ahaan Koobka Adduunka.

“Wuxuu xalay ku geeriyoodey hurdada isagoo u sugnaa gurigiisa” ayuu yiri wiilkiisa Giorgio oo intaa daba dhigay. ”Saaka unbaannu fahamney inuusan neefsanaynin”.

Gazzaniga oo 95 jirsadey bishii Jannaayo 23-keedii, wuxuuse ninkani caan noqday 1970-kii markii Brazil la wada siiyay Koobkii Adduunka ee ay ku qaadeen Mexico maaddaama ay 3 jeer hanteen, kaasoo ahaa noocii hore ee Jules Rimet, waxaana loo baahday in la naqshadeeyo koob cusub.

FIFA ayaa deeto ku dhawaaqday tartan loo gelayo naqshadda ugu wanaagsan, waxaana 53 tartame laga xushay middii Gazzaniga oo farshaxankiisa ku muujiyay fikrad caqli gal ah oo laba laacib oo faraxsan iyagoo sare u haya dhamaanba qaaradaha adduunka.

Ninkan oo u dhashay dalka Talyaaniga ayaa 23-kii Jannaayo 1921-kii ku dhashay isla magaalada Milano.

Xigasho: Goolfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here