Ninkii isku qarxin rabay Banaadir Beach oo la sheegay inuu Qamri kasoo dhargay

weerar-maqayad1Ilo lagu kalsoonaan karo oo katirsan ciidamada Sirdoonka Soomaaliya oo la hadlay Midnimo.com, ayaa sheegay in ninkii 2 maalin kahor doonayay inuu isku qarxiyo maqaayada Banaadir Beach ee ku taal Xeebta Liido, uu ahaa nin aad uga soo dhargay Qamri.

Ninkan oo asigoo dhaawac ah ay gacanta ku dhigeen ciidamada Nabadsugida, ayaa hada waxaa lagu dabiibayaa Isbitaal gaar ah oo ay leeyihiin ciidamada Sirdoonka, waxaana dhaqaatiirta daaweyneysay ay sheegeen inuu si aad ah uga soo dhargay Qamri iyo maadooyin kaloo maandooriye ah.

Kooxda al-shabaab oo iyadu sheegata ineey u dagaalameyso ineey diinta islaamka ku xukunto dalka, ayaa inta badan ismiidaamiyaasheeda fuliya qaraxyada, waxaa la sheegay in lasoo siiyo maandooriyaal iyo cirbado daroogo ah, taasoo aan sal iyo raad ku lahayn diinta islaamka.

Sarkaal katirsan sirdoonka, ayaa sheegay in ninkaan oo hada la dabiibayo uu ilaa hada yahay nin sarqaansan maskaxdiisana aysan joogin.

Ninkaan oo aan ilaa iyo hada magaciisa la xusin, ayaa doonayay inuu doonayay inuu isku qarxiyo maqaaxida, kahor inta aysan ciidamada amaanka rasaas ku furin Gaarigii uu watay.

Mid kamid ah Saraakiisha Nabadsugida ayaa la sheegay inuu su’aalay, balse waxa uu ugu jawaabay, “Hooyadaa was”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here