Ninkii ay ciidamada AMISOM ku jiireen KM4 oo xalay geeriyooday

amisomAllaha u naxariistee waxaa xalay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday muwaadinkii ay maalmo kahor KM4 ku jiiray gaari ay wateen ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Muwaadinkaan ayaa maalmahaanba ku jira Koomo, mana jirin wax daryeel caafimaad ah oo ay u fidiyeen ciidamada AMISOM.

Muwaadinkaan ayaa markii uu jiiray Gaariga ay wateen AMISOM, ayaa waxaa usoo gurmaday shacabkii ku sugnaa agagaarka KM4, kuwaasoo u diiday gaariga AMISOM inuu meesha ka dhaqaaqo ilaa uu qaado oo uu isbitaal geeyo.

Sida Midnimo.com wararka ku heleyso AMISOM, ayaa muwaadinkaan oo garaab ah geysay xerada Xalane oo ah saldhigooda ugu weyn, iyagoona iska dhigay meel sidoo kalena ehelkiisa u diiday ineey booqdaan.

Muwaadinkaan oo lugtiisa quruntay aadna u darxumooday, ayaa markii dambe ehelkiisa kasoo qaadeen Xalane, waxeyna geeyeen Isbitaalka Madiina, halkaasoo ugu dambeyn uu xalay ku geeriyooday.

Dowlada Soomaaliyeed oo iyada masuul ka ah shacabka iyo dalka, ayaan wali ka hadal dhacdadaan, sidoo kale waxaa xusid mudan in ciidamada AMISOM sidaan oo kale dhowr mar gawaaridooda si kas iyo ku tala gal ah ay muwaadiniin soomaaliyeed ku jiireen wadooyinka Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here