Ninki soo allifay rimuud koontaroolka TV-ga oo geeriyooday

Ninki Iqtiraacay amaba soo allifay rimuudka laga hago telafashinka ayaa ku geeriyooday magaalada Chicago ee dalka Mareykanka.

Zenith Electronics oo horay ugu soo shaqeeyey ninkan ayaa sheegay in Mr. Eugene Polley uu ku xijaabtay isbitaalka Chicago hospital isaga oo da,diisuna aheyd 96-jir.

Ilifaadiisii 1955 ee lamagac baxday Flash-Matic, ayaa waxay tusisay oo ay ogolaatay iftiin laba gees ee dhalada TV-ga oo ogolaanaya in la damiyo ama la daaro kanaalada telafashinka.

Tijaabo kadibna waxa lagu guuleystay in boqolaal kanaal in ay adeegsadaan oo uu marki danbana caalami noday.

Wuxuu ku dhashay Chicago sanadki 1915, Polley waxa uu ka bilaabay xirfadiisa xaga injineerinka sanadki 1935, waxaana uu mudo 47 sana ah u shaqeynayey shirkada  Zenith.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.