Ninki ajnabiga ahaa ee lagu afuubay Gaalkayo oo xoriyadiisa dib u helay

Maamulka Galmudug ayaa soo furtay nin ajnabi ah oo shalay kooxo hubeysani ka afduubteen magaalada Gaalkacyo.

Ninkan oo ah saxafi u dhashay dalka Mareykanka ayaa waxaa la geeyey xalay magaalada Hobyo halkaas oo ay kooxo burcad badeed ah doonayeen in ay ugu heystaan madax furasho.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa noo xaqiijiyey in ninkan lagu sii daayey wada hadalo dhex maray saraakiisha maamulka Galmudug iyo kooxihi afduubka u geystay, iyadoo ay dhex dhaxaadiin odayaasha dhaqanka ee Hobyo.

Iminka waxaa gacanta ku haya ciidamada maamulka Galmudug waxaana goor dhaw lagu wadaa in la geeyo magaalada Gaalkacyo halkaas oo la filayo inuu uga sii duulo magaalada Nairobi.

Kooxo burcad badeed Soomaali ah ayaa shalay ka kaxeystay ninkan ajnabiga ah magaalada Gaalkacyo wax yar kadib marki uu kasoo dagay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.