Nin u dhashay dalka vietnam oo laga qalay buro aad u culus

Nin u dhashay dalka Vietnam
Nin u dhashay dalka Vietnam

Nin u dhashay dalka Vietnam ayaa la sheegayaa in xaaladiisa caafimaad ay hada kasoo reyneyso kadib marki ay dhaqaatiirta ka saareen buro culeyskeedu uu ka weynaa miisaanka jirkiisa.

Nguyen Duy Hai ayaa laga qalay buro dhan 90kg, taasi oo kaga taalay lugtiisa midig, waxaana howlgalka qaliinka uu qatay mudo ka badan 12 saacadood.

Dhaqtarka hogaaminayey dhaqaatiirta fulisay howsha qaliinka Dr McKay McKinnon oo ahaa nin Mareykan ah ayaa ugu taba rucay lacagaha qaliinka, sidoo kalana waxa uu bixiyey dhaqaalaha kale ee ku baxay sida ay sheegeen saraakiisha isbitaalka France-Vietnam (FV) hospital ee magaalada Ho Chi Minh.

Xubno ka mid ah qoyska wiilkaan ayaa oohin jabsaday iyaga oo ku faraxsanaa burada laga qalay wiilkooda, sida ay kusoo warantay VietNamNet.

Mr Hai, oo la rumeysanyahay inuu yahay 31 jir ayaa la noolaa burada tan iyo afar jirkiisi, iyadoo aanan la ogeyn halka ay kaga timid balse la rumeysanyahay in ay aheyd dhaxal xaga isirkiisa ah sida ay sheegtay wakaalada wararka ee AFP.

Dhaqaatiirta ayaa sheegay in qeyb ka mid ah lugtiisa la jaray marki uu Mr Hai ahaa 17 jir si looga hortago in burada ay faafto, balse taasi kama aysan joojin in ay ku korto.

Hada Mr Hai si caadi ah ayuu u socon karaa sidoo kalana u hurdi karaa sida ay sheegayaan xubnaha qoyskiisa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.