Nin u dhashay dalka Canada oo liqay Dayman lagu qiimeeyey $20,000

Booliska magaalada Windsor ayaa xiray nin u dhashay dalka Canada oo liqay Dayman lagu qiimeeyey $20,000 si uu xado.

Booliska ayaa sheegay in marki laga shakiyey kadib raajo la saaray ay muujisay sawirka Daymanka oo calooshiisa ku jira, iyadoo haatan lagu soo oogay dacwad tuuganimo ah.

Ninkan oo lagu magacaabo Richard Matthews ayaa keenay Dayman u eg kii saxda ahaa, isaga oo cunay midki kale ee la rabay ee rasmiga ahaa.

Dhacdadaan oo ay soo daabaceen wargeysyada kasoo baxa dalka Canada ayaa dhacday todobaad ka hor,  waxaana wararku ay sheegayaan in ninkaan uu calooshiisa ku haray Luulka inkastoo uu dhowr jeer galay musqusha si uu u saxaroodo.

Mr Matthews, oo ah 52 jir ayaa lagu wadaa in maxkamad ku taalo Toronto la saaro dhawaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.