Nin taksiile ah oo lagu dilay xaafada degmada Madiina

Rag hubeysan ayaa xalay ku toogtay xaafada Nasteexo degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho nin ka mid ahaa dadka ku shaqeysta gaadiidka loo yaqaano Taksiga.

Marxuumka la dilay oo magaciisa lagu soo gaabiyey Xaaji Cismaan ayaa geeriyooday wax yar kadib marki ay rasaas madaxa kaga dhifteen laba nin oo bistoolado ku hubeesnaa kuwaasi oo goobta isaga baxsaday.

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka degmada Wadajir u qaabilsan xaafada Nasteexo ayaa goobta tagay hase yeeshee ma jirin cid ay  u qabteen weerarkaasi oo ay ka naxeen dadka xaafada.

Lama oga sababta loo beegsaday marxuumka, sidoo kale waxaanan la garaneyn cida ka danbeysa dilkiisa, hase ahaatee waxa uu ka mid yahay dilalka macna darrida ah ee kusoo batay maalmahan degmada Wadajir ee magaalada Mudisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.