Nin Soomaali ah oo xubin ka noqday guddiga iskuullada Minneapolis

Maxamuud-Nuur-300x248Nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamuud Nuur ayaa loo doortay inuu xubin ka noqdo guddiga maamula iskuullada waxbarashada ee magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Maxamuud oo 35 jir ah ayaa ku guulaystay kursigii uu ka dhintay Xuseen Samatar oo ahaa Soomaaligii ugu horreeyay ee xafiis dowladeed ka qabta gobolka Minnesota.

Wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay jagada loo doortay.

Qaar ka mid shaqooyinka hor yaalla Maxamuud Nuur waxaa ka mid ah tayaynta waxbarashada carruurta, la talinta ardayda dhammaysata dugsiyada sare iyo soo saarista macallimiin badan oo Soomaali ah.

Muddo hal sano ah ayuu xubin ka ahaan doonaa guddiga ka hor inta aan xubno cusub loo soo dooran guddiga.

Xuseen Samatar oo guuleystay kursiga guddiga dugsiyada sanadkii 2010 ayaa geeriyooday dabayaaqadii August ee sanadkan.

Wuxuu u geeriyooday kansarka dhiigga ku dhaca oo uu la xannuunsanaa muddo bilooyin ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here