Nin Soomaali ah oo qarax ismiidaamis ah ku dilay abaanduulihi ciidanka Yemen

Dowlada Yemen ayaa sheegtay in nin maanta qarax ismiidaamin ah ku dilay abaanduulaha ciidamada gobolada koonfureed uu ahaa nin dhalasho ahaan kaso jeedo Soomaaliya.

Gen Salem Ali Qatan ayaa ku dhintay magaalada xeebta leh ee Caden kadib marki qof naftiis hure ah uu isku qarxiyey baabuur uu ku safrayey sida ay xaqiijiyeen saraakiil iyo goobjoogayaal.

Wasaarada difaaca Yemen ayaa sheegtay in sarkaalkan oo ay sidoo kale la dhinteen saraakiil kale uu ku safrayey kolonyo gaadiid ah oo ka kooban sadex baabuur kuwaasi mid ka mid ah la qarxiyey.

Wasaarada waxay sheegtay in qofka weerarka fuliyey uu ahaa Soomaali balse aysan bixin karin xiligaan wax faah faahin dheeraad ah.

Yemen ayaa dagaal xoog leh kula jirta Al Qacida oo dhawaanahaan aad ugu xooganeyd gobolada koonfureed ee dalkaasi, waxaase dhawaan ciidamada milatariga ay dib uga qabsadeen meelo kala duwan sida magaalada Abyan.

Gen Qatan waxaa xilka loo magacaabay bishi March wax yar kadib marki xilka madaxweynaha loo dhaariyey madaxweyne Abdrabbuh Mansour Hadi.

Tan iyo sanadki 2010 waxaa kusii qul qulayey dalka Yemen dagaalyahano Soomaali ah oo ka tirsanaa Al Shabaab kuwaasi oo ka bar bar dagaalamayo haatan Al Qaacidada dalka Yemen.

Dagaaladi 2010 ee Yemen iyo Sacudiga kula galeen Al Qacida xadka labada dal ayey Al Shabaab sheegeen in ay u direen dagaalyahano.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.