Nin Soomaali ah oo maxkamad lagu soo taagay Talyaaniga

Muxyadin-300x214Nin Soomali ah oo lagu eedeynayo inuu mas’uul ka ahaa dhimashada 366 qof oo bishii October ee sanadkii hore oo ay doon kula qallibantay xeebta Lempadusa ayaa shalay maxkamad lagu soo taagay magaalada Agrigento ee dalka Talyaaniga.

Ninka oo lagu magacaabo Maxamuud Muxyadiin oo ay da’diisu tahay 34 jir ayaa lagu eedeynayaa afduub, gacan ka geysasho socdaal sharci darro ah iyo kufsi.

Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa gudbiyay toddobo qof  oo u dhashay dalka Eritrea oo sheegay in lagu sameeyay xadgudubyo isugu jira jir-dil, xabsi iyo hanjabaad ay kula kaceen rag uu ka mid ahaa Maxamuud.

Marqaatiyadu waxay ka badbaadeen doonta quustay, waxayna sheegeen in ka hor intii aysan soo tahriibin afduub ahaan loogu heystay xudduudda u dhaxeysa dalalka Liibiya iyo Jaad, kaddibna ay bixiyeen lacag madax-furasho ah.

Saraakiisha ayaa sheegay in Maxamuud Muxyadiin lagu aqoosanaday xarunta  lagu hayo tahriibeyaasha ee dalka Talyaaniga.

Maxkamadda ayaa isla shalay markii ay dhageysatay eedeymaha, waxay dib u dhigtay dacwadda tan iyo waqti aan la cayimin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here