Nin Soomaali ah oo fuliyay weerarkii Midida ee Minnesota iyo Daacish oo..

untitled-3Hoggaamiyayaasha Jaalliyadda Soomaaliyeed ayaa sheegay inay ka xun yihiin weerarkii uu Nin Somali-Maraykan ku dooxay dad ka dukaamaysanayey Xarunta Dukaamadda Crossroads Center Mall oo ku taalla magaallaadda Saint Cloud ee Gobalka Minnesota.

Ninka weerarka geystay oo isagana lagu dilay isla goobta ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Dahir Ahmed Aden, kaasi oo dalka Maraykanka ku noolaa muddo 15 sanno ah
Aabaha dhalay Ninkaasi oo la hadlay Wargeyska The Star Tribune ee ka soo baxa magaalladda Minneapolis ayaa sheegay inay Boliska ku soo wargeliyeen inuu Wiilkiisa Daahir ahaa ninkii dadka ku dooxay Xarunta laga Dukaamaysto.
Waxa uu intaasi ku daray inay Boliska yimaadeen gurigooda, kana qaateen Sawirro iyo Qalab kale.

Boliska Gobalka Minnesota weli si rasmi ah uma shaacin magaca Ninkii tooreyda ku dhaawacay 8 qof oo ka mid ah dad ku sugnaa Xarun Dukaamaysi.

Sidoo kale, Aabaha dhalay ninka la dilay ayaa sheegay inuusan jirin shaki ku aadan inuu Wiilkiisa ku lug lahaa Dhaqdhaqaaqyo Argagixiso.

Dhinaca kale, Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi ka dhacay Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Isha: Dalsan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here