Nin sadex ruux qudha ka jaray kadibna isaga is dilay

Nin ayaa sadex ruux ku dilay deegaanka County Durham ee dalka Ingiriiska ka hor inta uusan isaga is dilin.

Booliska ayaa meydka ninkaan 40-jirka ah oo lagu magacaabo Michael Atherton ka halay guri sidoo kale waxa isla gurigaasi ay ka heleen meydadka sadex dumar ah oo uu dilay xaafada Horden ee deegaanka Peterlee.

sadex kale ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen weerarkaasi oo ay ku jirtay gabar 19 jir oo uu dhaawac yar soo gaaray, dadkaasi ayaa ku badbaaday orod iyo iyaga oo ka baxay daaqadaha dabaqa sare.

Taliyaha qeybta deegaankaasi Paul Goundry, ayaa sheegay in dadka dhintay ay da,dooda u dhaxeysay 20 jir iyo 40-meeyo.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com