Nin rayid ah oo xalay si bareer ah loogu toogtay Jidka Warshadaha Muqdisho

Askari ka tirsan ciidanka dowlada KMG Soomaaliya ayaa xalay nin rayid ah ku dilay xaafada Carafaat oo ka mid ah xaafadaha kucsan jidka Warshadaha degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho.

Qofka la dilay ayaa ahaa wiil dhalinyara ah oo si weyn loogaga yaqaanay xaafada, waxaana rasaas si bareer ah ugu furay askari ka tirsan ciidamada dowlada xilli ay baarayeen ciidamada dowlada marxuumka.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in marki lagu amaray inuu istaago shaarkana kor u qaado kadib askarigi amary mooyee uu mid kale gadaal ka toogtay taasi oo u muuqatay dil bareer ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowlada oo goobta ku sugnaa ayaa xiray askariga dilka geystay, waxaase soo baxaya caro ay qabaan dadka xaafadaasi oo awalba qaati ka taagnaa ciidamo dhac iyo kufsi u geysanayey dadka deegaanka.

Ciidamada dowlada ee ku sugan xaafadaha Caymiska iyo Carafaat ee degmada Yaaqshid ayaa waxa qaati ka taagan dadka deegaanka, waxaana danbiyada ugu weyn ee ay galayaan ka mid ah dilka iyo kufsiga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. Wa wax laga xumado in dadka rayidka ah layska dilo hadiibo dowladi la rabey inay dadka ilaliso kana badbadiso cadowga ay ayadi wax dilayso maxa loola yaaba shabab o ah qandarasla yaal u bareray dhiiga islamka (somalia cidna uma maqna ceelna uma qodna)

Comments are closed.