Nin rayid ah oo xalay lagu dilay degmada Matabaan

Kooxo hubeysan ayaa xalay nin rayid ah ku dilay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan taasi oo deegaanka ku abuurtay walaac iyo jahwareer xoog leh.

Ninka la dilay oo lagu magacaabi jiray Shukri Cali Sable ayaa waxa la toogtay isaga oo fadhiya agagaarka Ceel Biyoodka degmada Matabaan sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob joog ah.

Marxuumka ayaa rasaas ooda loogaga qaaday iyadoo aanan lala hadlin, waxaana uu ku qurbaxay isla goobta.

Gudoomiye ku xigeenka demada Matabaan, Liibaan Cali Diiriye ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano iyo howlgalo ay ku soo qabanaan gacan ku dhiiglayaashi ka danbeeyey dilka marxuumka.

Lama oga sababta loo beegsaday ninka li dilay, hase yeeshee dad kala duwan oo aan la xirirnay ayaa inoo sheegay in looga shakisanyahay dilkiisa arimo la xiriira aana qabiil.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.