Nin oday ah oo xalay lagu gowracay duleedka Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Ceelcade ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in Al Shabaab ay xalay ku gowraceen nin oday ah oo ka mid ahaa ganacsatada xoolaha iibiso.

Dad goob joog ah ayaa sheegay in ay Shabaab ay kala dageen ninkaan baabuur uu la socday shalay gelinki danbe balse ay qoorta ka gooyeen xalay.

Lama oga sababaha loo dilay, sidoo kale waxaanan wali la helin magaca ninkaan oo ahaa nin kasoo jeeda magaalada Jowhar sidoo kalana ka ganacsada xoolaha nool oo uu keeni jirin magaalada Muqdisho.

Ma jirto ilaa iyo iminka wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan ninkan ay qoorta ka gooyeen sababaha ay u dileen.

Al Shabaab ayaa sidaan oo kale bishi March ee sanadkaan qoorta uga gooyey wiil karishbooy ahaa oo ka mid ahaa caruurta degmada Kaaraan.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.