Nin meyd ah oo saakay lasoo dhigay banaanka Isbitaalka Magaalada Jowhar

Shacabka ku nool magaalada Jowhar ayaa ka argagaxay meydka nin dhalinyara ah oo saakay lasoo dhigay banaanka hore ee Isbitalka Intersoso.

Wiilkaan oo da,diisa lagu qiyaasay 35 jir ayey dadka arkay waxay inoo sheegeen in muuqaalkiisa uu u qaab ekaa nin xog leh oo madow kaasi oo ay rasaas kaga taalay killida midig.

Lama oga waqtiga la dilay iyo cida dishay laakin dadka waxay isku raaceen in ay magaalada Jowhar aysan cidna wax ku dili karin marka laga reebo maamulka ka taliya ee Al Shabaab.

Wararka qaar waxay sheegayaan in lagu dilay xalay saqdi dhexe gudaha xarunti hore ee Unicef ee Jowhar oo hada ah saldhiga ugu weyn ee AL Shabab ku xiraan dadka ay ku eedeeyaan danbiyada culus, hase yeeshee warkaasi ma ahan mid huban.

Laba maalin ka hor ayey aheyd marki Al Shabab ay sidaan oo kale magaalada Jowhar usoo dhigeen meydka wiil dhalinyara ah.

Wiilkaasi ayaa waxa ay kusoo dileen deegaanka Buurane oo qiyaastii 20-km dhanka waqooyi kaga beegan Jowhar, waxaana ay ku eedeeyeen inuu ka tirsanaa ciidamada dowlada KMG Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.