Nin Lala Xiriirinaayo Al Shabab Oo Maxkamadeyntiisa Dib Loo Dhigay

Maxakamad Kutaala magaalada Chicaco ee dalka Mareeykanka ayaa shaaca ka qaaday inay dib u dhigtay dacwad ku saabsan muwaadhin maraykanka oo lagu magacaabo Shaker Masri,kaas oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay xarakada Al shabab oo bah wadaag la noqotay ururka al qaacidda kana dagaalanta dalka Somalia .

Xeer ilaaliyayaasha maxkamadda Chicago Ku taala ayaa sheegay in Shaker Masri, iyo qareenkiisa Thomas Durkin ay isla wada gaarayn hishiis racfaan ah islamarkaana dacwaddiisa maxkamadda ay dib u eegis ku samaynayso

Thomas Durkin oo ah Qareenka u doodaya  muwaadhinka maraykanka ah ee loo haysto inuu xiriir la leeyahay Al shabab ayaa saxaafadda u sheegay in Shaker Masri uusan gelin dambiyada lagu eedeenayo oo ay kamidka yihiin inuu taageero xarakada Al Shabab.

Hay’ada FBI-da mareeykanka yaa sanadkii 2010ka dabagal ay ku sameeyeen Shaker Masri ku soo ogaaday inuu damacsanaa inuu aado dalka Somalia si uu al shabab ugu biiro, iyagoo xilligaasi ka duubay hadallo ay is weedaarsadeen saaxiibadiis ku sugan bariga Africa islamarkaana gacanta ku soo dhigay.

Ilaa iyo hada lama sheegin xilliga la qaadi doono dacwadda muwaadhinkan maraykanka ah balse dalka maraykanka ayaa marar badan waxaa maxkamad lagu soo taagay shaqsiyaad lala xiriirinay Al shabab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here