Nin lagu tuhmayo in uu ka danbeeyey dilki Wariye Xiis oo la qabtay

Ciidamada booliska dowlada KMG Soomaaliya ayaa qabtay nin looga shakisanyahay inuu ka danbeeyey dilka wariye C/salaan Xiis oo todobaadkaan lagu dilay magaalada Muqdisho.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada booliska ayaa Midnimo.com u xaqiijiyey in ninkan oo magaciisa lagu soo koobay Fanax uu u hanjabay wariyaha saacado ka hor inta aanan la dilin.

Waxa uu hada ku xiranyahay xarunta Hey’ada Danbi Baarista dowlada KMG Soomaaliya halkaas oo su,aalooyin lagu weydinayo.

Wararka la isla dhax marayo ayaa sheegaya in ninkan uu dhex maray muran aroornimadi hore ee maalinti la dilayey Wariye Xiis isaga oo ninka hada xiran ugu hanjabay inuu shir qool ku dili doono.

Dhamaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa ugu baaqaday dowlada in ay cadaalada hor keento qokfi ka danbeeyey dilka wariye C/salaan Xiis.

Shalayna maxkamada ciidanka qalabka sido ee dowlada ayaa balan qaaday in ay ku toogan doonto gacan ku dhiiglaha goobti uu ku dilay C/salaan Xiis hadiiba uu gacanta usoo galo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.