Nin lagu dilay Afgooye iyo xaalada oo saakay xasiloon

Rag hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Afgooye nin darawal ah oo sida la sheegay taageero u muujiyey ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in laba nin oo bistoolado ku hubeesnaa ay toogteen ninkan oo ka mid ahaa darawalada kaxeeya gaadiidka xamuulka ee isaga kala goosha magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Waxa ninka la dilay uu amaanay dowlada isaga oo dadka ugu baaqay in ay taageeraan soo galitaanka Afgooye ee AMISOM iyo milatariga dowlada, hase yeeshee ay wax yar kadib dileen laba nin oo hubeesnaa kuwaasi oo markiiba cararay.

Dhanka kale degmada Afgooye ayaa saakay ku waabariisatay iyadoo oo gacanta ugu jirto ciidamada dowlada kadib sadex sano oo ay maamulayeen ururo Islaami ah oo kala ah Xisbul Islaam iyo Al Shabaab.

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya ayaa shalay u sheegay warbaahinta in degmada Afgooye loo sameyn doono maamul, isla markaana uu sii socon doono waxa uu ku tilmaamay howlgalka xoreynta dalka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.