Nin laba bilood ku go,doonsanaa gaarigiisa oo uu baraf daboolay ayaa la helay isaga oo nool

Booliska dalka Sweden ayaa xaqiijiyey in ay heleen nin mudo laba bilood ah ku jiray gaarigiisa oo uu baraf qariyey waqooyiga dalkaasi.

Ninkan oo la helay isaga oo nool balse xaalad aad u liidata ku sugan ayaa la arkay Jimcihi lasoo dhaafay isaga iyo gaarigiisa oo ku sugnaa meel 1 km (0.6 miles) u jirta wadada weyn ee waqooyiga dalkaasi Sweden.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in heer kulka goobta laga helay ninkan uu hoos ugu dhacay -30C.

Ninkan oo marki la wareysanayey awoodi waayey inuu hadlo marka laga reebo erayo yar oo uu ku hadlayey ayaa tilmaamay in uu ku jiray gaariga tan iyo 19 December. waxa kaliyah ee uu ku badbaadayna ay tahay biyo uu cabayey oo qura.

Saraakiisha isbitaalka Umea University Hospital oo hada lagu daweynayo ninkan oo aanan la magac dhabin ayaa sheegay in ay kasoo reyneyso xaaladiisa caafimaad marka loo eego daruufahi hore.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.