Nin ku dhintay qarax uu aasayay magaalada Muqdisho

Qarax miino oo saaka ka dhacay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu ku dhintay keliya qofkii aasayay.

Sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah miinada ayaa lagu aasayay waddo isku xirta Tarabuunka iyo Isgoyska KM4 oo ah waddo ay isticmaalaan ardayda iyo gaadiidka dadweynaha.

Ciidan ka tirsan booliska Soomaaliyeed oo gaaray goobta ayaa qabtay gaari yar oo yaallay agagaarka halka uu qaraxa ka dhacay, oo loo maleynayo inuu watay qofkii ay miinada ku qaraxday.

Taliyaha Laanta Danbi barista CID ahna Afhayeenka Ciidmada Booliska Soomaaliya Jeneraal Cabdullahi Xasan Bariise oo saxaafadda kula hadlay goobta ayaa sheegay in booliska ay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo lala xiriirinayo iney caawinayeen qofka miinada aasayey.

Axaddii la soo dhaafay ayay aheyd markii Al-Shabaab ay weerarro isugu jira qaraxyo iyo toogasho ka fulisay Dhismaha Maxkamadaha Soomaaliya, weerarradaas oo dhaliyay khasaare xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here