Nin kirishtan ah oo laga musaafurinayo Somaliland

Taliyaha ciidamada booliska Somaliland Jeneraal Cabdullaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay masaafurin doonaan nin cadaan ah oo lagu helay inuu diinta masiixiga ku dhax faafinayay gudaha deegaannada maamulka.

Jeneraalka ayaa tilmaamay in booliska ay ninkaan in muddo ah ku daba joogeen, kaddibna ay heleen xog ku filan oo tilmaamaysa inuu Somaliland ku yimid inuu tababar siiyo hay’ada UN-HABITAT, balse uu faafinayay diinta masiixiga.

Wuxuu sheegay in hay’adaha UN-ka ee uu ninkaan ajnabiga ah tababarrada siinayay iyo hay’adaha kale ee calamiga ah ee ka howlgala Somaliland ay aad uga xumaadeen, raali-galinnna ka bixiyeen.

Taliyaha yaa ka gaabsaday inuu sheego dalka uu ninkan la masaafurinayo u dhashay iyo muddada uu ku sugnaa gudaha Somaliland.

Ninkan ayaa la sheegay inuu hoteelka uu deganaa si qarsoodi ah ku daadin jiray waraaqo diinta misiiga ah si dadku akhristaan, kuwaas oo baadhitaan ka dib ogaaday , isla markaana u soo gudbiyey xukuumadda si sharciga loo horgeeyo.

Qaar ka tirsan warbaahinta Somaliland ayaa shaciyay dhowaan in magaalada Hargeysa lagu arkay nin ajnabi ah oo faafinayo buugaag diinta masiixiga ka hadlaya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here