Nin Kenyan ah oo hogaaminayay weerarkii Westgate

article-2429644-18248A0300000578-201_964x641Channel 4 ayaa soo bandhigay ninkii hogaaminayay weerarkii isbuucii lasoo dhaafay ka dhacay Suuqa Nairobi ee Westgate Mall Shopping, waxaana uu ahaa nin markiisii hore Kirishtan Kenyan ahaa, sidoo kale waxa uu horay uga soo mid noqday Ciidamada qaaska ah ee wadanka Kenya.

TV-ga Channel 4 aya dhowr ilo wareed oo shabaabka gudaha Soomaaliya ka dagaalama  ka tirsan waxay u xaqiijiyeen ninka hogaaminayay weerarkii westgate Mall inuu ahaa nin u dhashay wadanka Kenya.

Sarkaal magaciisa qariyay kana tirsan Al-shabaab ayaa Channel4 u sheegay in ninka hogaaminayay weerarkii Westgate Mall uu ahaa nin u dhashay Kenya islamarkasna lagu magacaabo “Cumeyr”, ninkaan ayaa waxa uu ku dhashay magaalada Nairobi, waxaana uu kasoo jeedaa qoys Kirishtan ah, laakiin goordhow ayuu qaatay diinta Islaamka kahor intuusan ku biirin Al-shabaab.

Cumeyr ayaa ka tagay Kenya sanadkii 2005, waxaana uu ku biiray Jabhada Raas-kambooni ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, dabadeedna waxa uu kaga sii biiray Ururka Al-shabab.

Cumeyr, waxa uu Al-shabab u qaabilsanaa tababarada Isdifaacida Nafsiga ah iyo Feerka, waxaana uu kamid noqday Saraakiisha ugu sar sareysa Al-shabaab.

Ninka 2aad:

TV-ga Channel4 ayaa soo bandhigay nin 2aad oo haysta dhalashada Soomaaliya laguna magacaabo “Khadaab” inuu hogaaminayay weerarkii Westgate Mall.

Khadaab, waxa uu horay uga soo shaqeeyay Maktabad lagu iibiyo Buugaagta diiniga ah, oo ku taal magaalada Nairobi, gaar ahaan halka ay Soomaalida ku badantahay ee Islii, Khadaab ayaa mar waxaa lagu xiray wadanka Soomaaliya, waxaana la sheegaa inuu Ciqaab ad u adag kala kulmay sirdoonka Mareeykanka ee CIA-da markii uu ku xirnaa Soomaaliya.

Ilo waredyo ayaa Channel4 u sheegay in markii Khadaab lasoo daayay uu ku biiray xarakada shabaab.

Xukuumada Kenya ilaa iyo hada si rasmi ah uguma aysan dhawaaqin dalalkii ay u dhasheen ragii weerary Westgate Mall.

Weerarkii Westgate Mall inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 67 qof oo u badnaa cadaan, 170 kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray.

Xigasho: Channel4

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here