Nin ka mid ah burcad badeeda Soomaalida oo maxkamad lagu soo taagay dalka Mareykanka

Waaxda Cadaalada ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Jimcihi shalay ahaa maxkamad lasoo taagay nin Soomaali ah oo lagu eedeyey inuu burcad badeeda u qaabilsanaa dalaal xaga madaxfurashada.

Mohammad Saaili Shibin, oo ah 50 jir ayaa la geeyey dalka Mareykanka  bishan April si uu u wajaho maxkamadeyn la xiriirta doorka uu ku lahaa isu kala tarjumiada iyo u kala dhaxeynta burcad badeeda iyo qoysaska ay kasoo jeedaan la heystayaasha, gaar ahaan dooni kuwa raaxada ah oo ay burcad badeedu afduubteen bishii February oo ay ku qabsadeen lamaanayaal Mareykan ahaa oo marki danbana la dilay.

Shibin waxa kale oo lagu eedeynayaa inuu internetka ku raadin jiray qoysaska ay kasoo jeedaan dadka la afduubto ee ay markaasi hayaan iyo inta lacag ee ay leeyihiin, hadii ay yihiin dad ladan iyo dad dabaqada hoose ah intaba, taasi oo u fududeyn jirtay in ay ka qaataan lacago madax furasho ah.

Lamaanayaasha weerarkaasi lagu dilay waxaa kala ahaayeen Jean iyo Scott Adam oo kasoo jeeday California iyo Phyllis Macay iyo Bob Riggle oo reer Seattle ahaa.

Sida ay sheegayaan waaxda cadaalada Mareykanka, Mr. Shibin ayaa mudadi uu ahaa dhex dhexaadiyaha Burcad Badeeda iyo Dadka leh Maraakiibta iyo dowladaha ay kasoo jeedaan la heystayaasha ayaa waxa uu ku helay laba jeer oo kala duwan lacago dhan $30,000 ilaa $50,000.

Sida uu warbaahinta u sheegay xeer ilaaliyaha Mareykanka Neil MacBride, waxaa lagu soo oogay Shibin ilaa iyo 15 dacwad oo la xiriira burcad badeednimo, waxaana hadii danbigaasi lagu helo laga yaabaa inuu muteysto ciqaab dhan xabsi daa,in.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.