Nin Injineer ah oo lagu dilay magaalada Baydhabo

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ayaa maanta toogasho ku dilay nin injineer ah oo si weyn loogaga yaqaanay magaalada Baydhabo.

Ninkan oo lagu magaaco Maxamed Macalin Haruur ayaa sida ay xaqiijiyeen dad goob joog ah iyo saraakiisha ciidanka, waxaa dilay askar ka tirsan ciidanka dowlada xilli uu doonayey inuu magaalada ka baxo.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ee ku sugan magaalada Baydhabo oo diiday in magaciisa lasoo xigto ayaa ku eedeeyey ninka la dilay inuu ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Waxa kale oo lagu eedeeyey inuu horay laba nin ugu dilay magaalada Baydhabo mudadi ay ka talin jireen ururka Al Shabaab, hase yeeshee ma jirto ilo wareedyo madax banaan oo xaqiijinaya inuu danbigaasi galay.

Sida ay wararku sheegayaan injineerka la dilay ayaa kusii jeeday magaalada Waajid oo ay hada maamulaan Al Shabaab.

Waa dilki ugu horeeyey oo si bareer ah ay ciidamada dowlada ugu dilaan gudaha magaalada Baydhabo tan iyo marki ay qabsadeen Arbacadi lasoo dhaafay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.