Nin Ganacsade ah oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Waabari ee magaalada Muqdisho ganacsade caan ahaa.

Ninkan oo la oran jiray Ceydaruus Dalfac ayaa waxaa dilay nin ku hubeysnaa bastoolad xilli uu marxuumka kula sheekeysanayey qaar ka mid ah caruurtiisa banaanka hore ee gurigiisa.

Sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah qoyskiisa oo la hadlay warbaahinta ganacsadahan oo lagu dilay inta u dhaxeyso labada Buundo ee degmada Waabari waxa loola cararay isbitaal oo uu marki danbe ugu dhintay dhaawaci kasoo gaaray.

Gudoomiyaha degmada Waabari, Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) oo ka hadlay dilkaasi wuxushnimada ahaa ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan sababaha keenay dilkiisa.

Lama oga cida ka danbeysay dilka ganacsadahaan, hase yeeshee degmada Waabari ayaa inkastoo ay gacanta ku heyso dowlada KMG Soomaaliya ay hadana aad ugu badanyihiin kooxaha ku labista dharka dowlada ee dhaca iyo boobka geysto.

Waxa kale oo iyana dad ku dila inta badan magaalada Muqdisho kooxaha inta badan dadka ku dila shirqoolka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.