Nin gabar diidday inuu guursado oo ku dalacay kharashkii uga baxay intii ay wada socdeen

24e5822a3b9df0393066203a3bd206d7_M Sida uu qoray Wargeys ka soo baxa magaalada  Sydney Nin u dhashay dalka Australia ayaa kusoo dalacay lacag $200,000 gabar ka diidday inuu guursado.

Ninkan oo lagu magacaabo Bruce Dusting oo ah oday 65 jir ah ayaa ka dalbaday haweeney 42 jir ah oo carruur leh oo xiriir ka dhaxeeyay inuu guursado, balse waa lagu gacan seeray odaygan gaamuray.

Markay diidday gabadha Bruce Dusting, waxa intuu xanaaqay kusoo dalacay kharash dhan $200,000, taas oo uu sheegey inay tahay lacagtii uu ku kharash gareeyay 4-tii sano ee ay wada socdeen. Lacagtan waxaa ku jira waxyaabo ay kamid tahay xataa lacago kaga baxay xaflad dhalasho ah oo uu caruurteeda u sameeyay.

“Waa haweeney dhurwaa ah islaantu, laakin anniga ayaa ka daran”, ayuu yiri Bruce Dusting oo isagoo careesan saxaafadda la hadlay.

Si kastaba ha ahaatee, haweynaydii oo wax laga waydiiyay arrinta ay ku sameesay odayga ayaaba iyadu sheegtayba inayna wax xiriir ahi kaba dhaxaynin iyada iyo Bruce Dusting waligood, taas oo sheegtay inay macalimad Qoob-Ka-Ciyaarka u ahayd oo markii danbena ay asxaab noqdeen uun.Waxaanay sheegtay lacagahan uu sheegayo inayna khasab kaga qaadan oo uu isagoo maankisu dhan yahay uu siiyay, arintana ay ka tahay uun aargoosi.

Ra’yigaaga ka soo dhiibo sheekadan?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here