Nin Farsamada Gacanta Ka Shaqeys oo Xalay Xamar-Jajab Lagu Dilay

Ragg hubeysan ayaa xalay fiidkii degmada Xamar-jajab ku dilay nin rayid ahaa oo ka shaqeeysan jiray farsamada gacanta, kooxahaan ayaa dilka geysatay ka dib markii ninka farsamo yaqaanka ah ay ku weerareen goob uu ku fiidsanaayay.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Xuseen Faanoole, waxaana uu ahaa nin iska shaqeysta oo rayid ah.
Kooxihii dilka geystay ayaa baxsaday, mana jirin cid isku howshay inay gacanta ku soo dhigaan kooxahaasi mana xayaasha ah.

Sikastaba, habeen hore ayay ahayd markii xaafada Xaawo Taako ee degmada Wada jir lagu dilay Macallin dugsi wax ka dhigi jiray mid ka mid ah dugsiyada xaafadaasi ku yaala.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here