Nin darawal ah oo lagu dilay degmada Hodan

Rag hubeysan ayaa xalay ku dilay gudaha degmada Hodan nin ka mid ahaa darwalada gaadiidka dadweynaha oo lagu magacaabi jiray  C/laahi Maxamed Cigale.

Kooxihi dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday kadib marki ay dhowr xabo madaxa kaga dhifteen sida ay xaqiijiyeen dad goob joog ah oo ku nool xaafada Ex- Kooka Koola oo aheyd halka lagu dilay marxuumka.

Lama oga ujeedada ka danbeysa dilkiisa, hase yeeshee waxaa uu qeyb ka yahay dilalka soo noq noqday ee todobaadyadi ugu danbeeyey ka jiray magaalada Muqdisho.

Dadka Muqdisho ayaa la yaaban sida ay wax u socdaan, iyaga oo kala garan la, cida wax dileyso kuwa la dilayo iyo sababta loo dilayo dadka aanan waxba galabsan, waxaase la isla dhax marayaa in dilalka intooda badan ay isu geysanayaan Al Shabaab iyo ciidamada nabadsugida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.