Nin cadaan ah oo lagu dilay Suuqa Bakaaraha

Rag hubeysan ayaa xalay ku dilay nin lagu sheegay inuu ahaa ajnabi afafaaka hore ee hoteel ku yaala Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ninkan oo lagu soo koobay inuu ahaa cadaan lagu toogtay albaabka hore ee hotel ku yaala dhabarka danbe ee xarunta Shirkada Telcom Soomaaliya.

Wali wax war ah lagama hayo magaciisa, dalka uu kasoo jeedo iyo sababaha uu u daganaa Bakaaraha amaba uu u yimid dalka Soomaaliya, laakin dadka ayaa saakay isla dhex maraya inuu ahaa nin ganacsade ah, halka qaar kalana ay sheegayaan inuu ka tirsanaa laamaha amaanka.

Dhanka kale,  nin ganacsade ah ayaa xalay lagu dilay magaalada Baydhabo xilli uu ku sugnaa maqaayad shaaha laga cabo.

Ninkan oo lagu magacaabi jiray Cabdi Siidoow ayaa ka mid ahaa ganacsatada ugu caansan magaalada waxaana la xaqiijiyey in ay qaarijiyeen rag ku hubeesnaa bistoolado.

Horaanti todobaadkan ayey aheyd marki sidaan oo kale kooxo hubeysan ay magaalada Baydhabo ku toogteen nin malaaq ahaa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.