Nin Askari Ah oo Ka Tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya oo Toogasho ku Dilay Xaaskiisa

Askari ka tirsan Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa Toogasho ku dilay xaaskiisa, waxaana dhacdadan ay ka dhacday Degmada Xamar Weyne ee Magaalada Muqdisho.

Sida aan warbixinta ku helnay askarigan waxaa magaciisa lagu sheegay ” Ilkacase ” , waxaana uu ka tirsan yahay ciidamada Dowlada Soomaaliya ee ka Howlgala Degmada Balcad, waxaana warbixinta ay intaasi ku dareysa in askarigan uu dhawaan gabagadha ku guursaday Degmada Xamar Weyne ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Dable Ilkacase uu ka maseeray Haboon Cilmi, sidaasi darteedna uu u toogtay, iyadoo aan la ogeyn waxa keenay maseerka.

C/fitaax oo ka mid ah Ehelada Haboon Cilmi oo ah Gabadha la Toogtay ayaa Idaacada Dalsan ee Magaalada Muqdisho xalay u sheegay in Ilkacase iyo Haboon Cilmi ay kala tageen goor dhow, isagoo sheegay inaysan garaneynin sababta keentay inuu u dilo gabadhooda.

C/fitaax oo hadalka sii wata ayaa sheegay in Ilkacase uu xalay u yimid Haboon Cilmi isagoo wato Qorigiisa, wuxuuna sheegay inay Haboon diiday inay qaabisho oo ay soo dhaweyso, balse marki dambo uu la dhacay Rasaas.

Haboon Cilmi ayaa la sheegay inay ka soo jeedo Gobolada Puntland Soomaaliya, waxaana la sheegay in Aabaheed Mr Cilmi uu Maalinta Maanta ah uu ku soo wajahan yahay Magaalada Muqdisho si looga hadlo dilka loo geystay gabadhiisa Haboon Cilmi.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa Qoriga ku xaragooda, iyagoo bulshada ay la dhexmarayaan ay dhibaato badan kala kulmi karaan waxaana arintan ay cadeyneysa in Dowlada Soomaaliya ay wax ka qaban la dahay ciidamada Qoryaha la dhexmarayo Magalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

1 COMMENT

  1. asc.ma qabo askariga la sheegay in uu xaaskiisa ku dilay xamar kana yimid balcad waxaad modaa in qeybta uu ka tirsan yahay la qabto danbiga uu galay askariga waa hadii qoriga leedahay dawladda hadiie qoriga ow leeyahay lana soo galay ciidanka iska lahaa inaga waxaa nagu maqaala ah in marka horaba la qoro shaqada isaga oo wata qoriga taasina waxey cadeyneysaa in ciidanka uu yahay ciidan beleed saa hadey tahay lama xakumi karo waana mid leys weydiin karo sida uu qoriga gala soo baxay xerada uu ka tirsanaa?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here