Nin Al Shabaab lacag usoo aruurin jiray oo 5 sano lagu xakumay

Maxkamad ku taalo magaalada London ayaa ku riday xakun shan sano iyo sadex bilood ah Shabaaz Hussain oo ah nin lagu eedeeyey inuu dhaqaalo u aruurinayey ururka Al Qaacidada Soomaaliya.

Ninkan oo horay u ahaa kaaliye macalin ayaa la xaqiijiyey in uu ku taageeray Al shabaab lacago dhan £9,000 oo uu ka aruuriyey muslimiinta British-ka ah sida ay sheegtay maxkamada dacwada qaaday.

Shabaaz Hussain, oo ah 28 jir ayaa siiyey lacago sanadki 2010 sadex nin oo ay saaxiibo ahaayeen kuwaasi oo kasoo tagay dalka Ingiriiska kadibna ku biiray ururka Al Shabaab ee ka dagaalamada Bariga Africa.

Gurigiisa oo ku yaala bariga London ayaa laga helay qalab ay adeegsadaan dad mintidiinta ah sida ay sheegayaan ciidanka booliska, sidoo kalana booliska ayaa keenay daliilo cad oo ah codad laga duubay isaga oo la sheekeysanaya asxaabtiisa oo laga helay baabuurkiisa dhexdiisa.

Hussain ayaa qirtay qaar ka mid ah danbiyada lagu soo oogay halka uu inkiray afar dacwadood kuwaasi oo ah inuu lacago ku taageerayey argagixiso iyo inuu diyaarinayey weerar argagixisnimo.