Gaal-kacyo:Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay nin isqarxin rabay

Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Amaanka Galmudug gacanta ku dhigeen nin Ajnabi ahaa oo la sheegay inuu isku qarxin rabay guriga madaxweynaha G/mudug state.

Wariye kusugan Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in ciidamada amaanka xalay howlgal la sameynayey lagu soo qabtay nin aan somaliya udhalan walaw dalka uu kasoo jeedo la sheegin.

Ciidamada ayaa ninkaan ku qabtay meel ku dhaw guriga Madaxweyne C/xasan Cawaale (Qeyb-diid) uu ka deggan yahay Koofurta magaalada Gaalkacyo waxaana ninkaasi lagu amray inuu istaago hayeeshee uu baxsaday rasaas lagu furay kadibna dhaawac uu soo gaaray.

Wararka waxay sheegayaan sidoo kale in Galmudug State ay baaritaano kusameynayaan ninkaan iyo waddanka uu kasoo jeedo,sidoo kale qorshaha uu ku joogay Gaalkacyo ayaa si hoose waxay usheegayaan in is qarxin uu kasameyn rabay halkaasi.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Galmudug Axmed Maxamuud Xasan (Baasto) oo la hadlay saaxafada ayaa sheegay inay saacadaha soo socda ninkaasi Ajnabiga ah tafaasiil kusaabsan soo bandhigi doonaan kaasi oo iminka lagu dabiibayo dhaawac kasoo gaaray rasaas ku dhacday cusbitaalka Koofurta Gaalkacyo.

Wixii kasoo kordha ninkaasi ajnabiga ah dib kala soco insha allah.

Amoore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here