Nigeria oo ku dhawaaqday wada-hadal ay la gasho Boko Haram.

Madaxweyne Jonathan Goodluck  wuxuu ku baaqay wada-hadal lala galo Boko-Xaram
Madaxweyne Jonathan Goodluck wuxuu ku baaqay wada-hadal lala galo Boko-Xaram
Madaxweynaha dalka Nigeria, Goodluck Jonathan ayaa ka dhawaajiyay in dowladiisa ay diyaar la tahay wada-hadal ay la galeyso kooxda Islaamiga ee Boko Haram.

Arrintan ayaa timid kaddib, markii hoggaamiyaasha diinta iyo siyaayiinta ay sheegeen in hab millatari uusan xal kaliye u ahayn joojinta khalalaasaha ka taagan dalka ku yaalla galbeedka Africa.

Mr Jonathan, horrey ayuu ugu gacan seeray wadahadal uu la galo mucaaradka, wuxuuna ugu yeeray in ay yihiin xiriir la leh Al-Qaacida.

Boqolaal qof ayaa geeriyootay tan iyo markii dagaalka ay billaabeen kooxda Boko Haram sannadkii dhawaa.

Arrintan ayaa dhinaca dowladda waxaa u matali doona saraakiil military, waxaana la filayaa in muddo 7-aad ah uu dhaco, sida ay lee yihiin ilo aan la cayimin oo ku sugan xarunta madaxtooyadda.

Dhinaca kale, xubno ka tirsan kooxda Boko Haram ayaa la filayaa in ay wada-hadalada ay qayb ka noqdaan.

Madaxweyne Jonathan ayaa arrintan ka dhawaajiyay mar uu kulan la qaatay hoggaamiyaasha diinta siyaasiyiinta ee ka soo jeeda waqoioyiga, halkaas oo Boko Haram ay ku xooggan tahay.

Ilaa hadda warkan ma cadda sax ahaanshiyahiisa iyo sida uu suuragal u yahay iyo in kale oo ku saabsan wadahadalada ay soo bandhigtay dowladda Nigeria.

Kooxdan waxa ay u dagaalameysaa in awooda ay ka tuurtp dowladda, isla markaana ay abuurto dowlad Islaami ah. Taasoo ay soo waday dhowrkii sanno ee la soo dhaafay.

Labadii sanno ee la soo dhaafay, xubno ka mid ah kooxdan ayaa qaaday weerraro is-xig xigga oo ay ku jiraann toogasho iyo is-qarxin kuwaasoo ka dhacay waqooyiga iyo bartamaha Nigeria.

Waxa ay bartilmaameestaan xarumaha ciidamada Millatariga iyo kuwa booliska, waxaa jirra boqolaal qof oo loo xiray tuhun la xiriira in ay ka tisan yihiin kooxda Boko Haram, kuwaasoo aan weli maxkamad la soo saarin.

Sannadkii 2009-ka, ayaa madaxweynihii Nigeria, Musa Yar Adua, ayaa ku baaqay wadahadal uu la galo tobanaan kun oo ah kooxdan, kuwaasoo gacanta ku hayay xarumaha saliida ee Niger Delta.

Xittaa cafiska ka yimid Mr. Jonathan, ee ku aadan kooxda Boko Haram ma ahan sahlan sidaas waxaa sheegay Will Rose oo ah wariye BBC-da oo ku sugan Abuja

Dhinaca kale, Dhowr qof ayaa ku dhintay shil wado oo ka dhacay dalka Nigeria

Ugu yaraan 36-qof, oo ay ku jiraan carruur ayaa lagu soo warramayaa in ay geeriyoodeen markii shil gaadid uu ka dhacay Koonfurta Nigeria.

Kooxaha gurmadka ayaa sheegay in dadka geeriyooday dhammaan ay la socdeen baabuur Bas ah oo uu ka dhacay baabuur kale oo Taanki ah.

Waxaa hadda socda baaritaanno, dalka Nigeria waa mid ka mid ah waddamada ugu khasaaraha badan ee shilalka wadooyinka Africa.

Jonas Agwu, waa Afhayeen u hadlay hey’adda ilaalinta wadooyinka dalka Nigeria, wuxuu uu sheegay wakaalada wararka Faransiiska AFP in dadka dhintay ay ku jiraan 30-rakaab oo la socday baabuur Bas.

Sidoo kale waxaa jirra afar qof oo la socday gaariga booyadda iyo labo cunug oo ku sugnaa meel ku dhow halka uu shilka ka dhacay.

Seddax qof ayaa la soo badbaadiyay.

Shilkan ayaa wuxuu ka dhacay wado mashuul ah oo ku taalla caasimada Ganacsiga ee Lagos waxaana ay Koonfur Bari ka xigtaa dalka

Shilkan ayaa yimid labo maalin uun kaddib, markii labo Bas ay isku dhaceen bartamaha Nigeria, waxaa ku geeiyooday 18 –qof.

Bishii July, in ka badan 100 qof ayaa ku geeriyooday Konfurta Nigeria kaddib markii booyad siday Shidaal ay ku dhacday gaari rakaab ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here