Nicholas Key oo U Hambalyeeyey ciidankii Qabsaday Baraawe

Nicholas Kay ayaa cambaareeyay qaraxii
Nicholas Kay oo ka hadlay qabsashada Baraawe

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Necholas Kay ayaa soo dhaweeyay dib u qabashada magaalada Baraawe oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ka saareen maleeshiyaadka Al-Shabaab oo muddo maamulayay.

Waxa uu qabashada Baraawe ku tilmaamay danjiruhu tallaabo loo qaaday dhinaca nabadda iyo deganaanshaha waddanka, isagoo ugu baaqay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee wali dagaalka wada inay hubka dhigaan.

“Waxaan ku boorrinayaa Al-Shabaab-ka harsan inay hubkooda dhigaan, waa waqtigii nabadda iyo horumarka siyaasadeed ee Soomaaliya” ayuu yiri Kay.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay degmada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku lahaayeen saldhig wayn dhaqaale badana ay ka heli jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here