Nickolas Kay oo hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed

Nickolas Kay oo hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed
Nickolas Kay oo hambalyo u diray haweenka Soomaaliyeed

Ergaygga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midobay u qaabilsan Soomaaliya, Nickolas Kay oo la dabaaldagaya maanta Haweenka Soomaaliyeed,  oo  xusaya maalinta Haweenka Addunka, isagoo sanadkan kiisa kale u rajeeyay inay ku  gaaraan horumar iyo baraare.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku boorinayo in ay balaariso fursadaha ay haweenka Soomaaliyeed uga qayb qaadan lahaayeen  habka nabadaynta  iyo dib-udhiska Qaranka Soomaaliyeed.

“Labaatankii sanno ee la soodhaafay ee aadka u adkaa, waxay haweenka Soomaaliyeed muujiyeen adkaysi iyo awood aad u sareeysa  oo ay uga qayb-qaadanayeen Arrimaha dib-u-heshiisiinta, waxna uga qabanayeen Baahidda bani’aadinimo ee ka dhexjirtay bulshada Soomaaliyeed, ha ahaato baahidaas mid heer gobol iy ama  qaranba leh”, ayuu yiri Nickolas kay.

Mr kay ayaa hoosta ka xariiqay in haweenka Soomaaliyeed looga fadhiyo in ay ka qeyb qaataan dhinacyada siyaasadda iyo dib-u-heshiisiinta dalka, isagoo intaa ku daray in la qaado talaabo  lataaban karo  oo ku aadan  dhowrista xuquuqda haweenka iyo gabdhaha.

“Waxaan ugu baaqayaa Dowladda iyo Saaxiibaddda kale ee muhiimka ahba in ay dedejiyaan dhaqangelinta Baaqii sida wadda jirka ahaa ay u soo wada saareen Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Qaramadda Middobay, kuna saabsanaa sidii looga hortagi lahaa xad gudubyada ka dhanka ah dumarka”, ayuu yiri Nickolas Kay

War-saxaafadeedka ayaa lagu xusay in xafiiska UNSOM uu wajibaadkiisa ka mid yahay  in uu gacan ka gaysto sidii loo horumarin lahaa awoodda Dowladda  ee ku addan xurmaynta xuquuqul insaanka iyo awood siinta haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here