Nicholas Kay oo sheegay in Xiisada Somaliland ay Ka Walaacsan Yihiin

United Nation's Special Representative for Somalia
United Nation’s Special Representative for Somalia

Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somaaliya Nicholas Kay oo War kasoo saaray isku dhacyadii shalay ka dhacay Magaalooyinka Hargeisa iyo Burco ayaa Walaac ka muujiyay in arimahaasi ay caqabad ku yihiin Amaanka Somaaliland.

 “Waxaa jira war shegaya in la xiray Xildhibaano iyo Wariyaal khasaarana ka dhashay Rabshadii Shalay iyadoo leysku diyaarinayo Doorashooyinka Baarlamaniga ah” sidaa ayuu yiri Nicholas Kay.

 “Somaliland Talaabooyin wanaagsan  ayay u sameyneysay dhinaca Dimuqraadiyada iyo Doorashoyinka ,rabshadahana dib u dhac ayay keenayaan ” sidaa ayuu hadalkiisa kusii daray Wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Somaaliya.

 sidookale Kay ayaa ugu baaqay dhamana dhinacyada inay ilaaliyaan Hananaka Dimuqraadiyada wax kastana si wadaxaajood ah lagu dhameeyo.

1 COMMENT

  1. Mr-kay waxa uu u shaqeeyaa Zinost= waxa uu soomalia u joogaa dhibaato iyo kala qeybsanaan ka abuuro dalka soomaliya iyo soomaliland.

    kay waa in shqada laga joojiyaa, somaliya uma baahna kay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here