Nicholas Kay oo sheegay in Al Shabaab la wiiqay Awoodoodii Sanadkii 2014

The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalialay xildhibaan lagu dilay Muqdisho
The Special Representative of the UN Secretary-General for Somalia Nicholas Kay

Uqabailsanaha Qaramada Midoobe ee Somalia Nicholas Kay ayaa kahadlay duqeymaha Mareykanku uu kageystay Somalia iyo weeraradii lagu qaaday Xarakada  Al-shabab sanadkii lasoo dhaafay ee 2014,waxa uu sheegay Mr Kay in gulufkaas dagaal ee kadhanka ah Al-shabab ay kaliftay in shababka laga saaro ilaa dhowr iyo 20 magaalo oo ay horay gacanta ugu hayeen Al-shabab.

Nicholas Kay ayaa laga soo xiganayaa in “Guul Lataaban karo” sida uu sheegay laga gaaray la dagaalanka Al-shabaab sannadkii tagay ee 2014.

Waxa uu sidoo kale calaamadeeyay mr Kay in hormar dhanka siyaasada lagaaray sanadkii tagay.

A-shabab oo ah dhaq-dhaqaaq xiriir laleh ururka Al-Qaeda ayaa Maalintii talaadada ahayd weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowlada ay kulahaayeen duleedka magalaada Baidoa waxayna halkaasi kudileen ilaa 10 katirsna ciidamada dowlada .

Dhanka kale Dhawaan waaxda Pentagon-ka mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn mareykanku uu kageystay gobolka Jubbada hoose lagu dilay Abdi Shakuur Tahliil oo mareykanku uu kusheegay in uu ahaa madaxii sirdoonka Al-shabab,inkastoo Sheikh Ali Maxamuud raage oo ah afhayeenka guud ee Al-shabab uu usheegay Televison-ka AL-jazeera in ay kagacanta kudhigeen dad mareykanka kacaawiyay in uu duqeyn la eegto saraakiil katirsan Al-shaabb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here