Nicholas Kay oo la kulmay Madaxweyne Gaas

Gaas And Nicholas Kay
Gaas And Nicholas Kay

Ergayga Xoghayaha Qaramada Midoobey uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya ayaa kulankiisi u horeeyey la qaatey Madaxweynaha la doortey ee Puntland Dr.Cabdiweli Cali Gaas, kadib doorashadii maalintii shalay ka dhacdey magaalada Garowe.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo is-kaashiga ka dhexeeya maamulka Puntland iyo xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Nicholas Kay ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay si dhow ula shaqeyn doonto xukuumadda Madaxweyne Gaas, islamarkaana ay sii joogteyn doonto taageerada ay siiso dadka iyo dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo masuulka xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ku leedahay ayaa isla soo qaadey arrimaha u horeeya ee la doonaayo in lagu talaabsado iyo kuwa la hiigsanaayo, si Puntland ay tusaale ugu noqoto Soomaaliya inteeda kale.

Dhanka kale, Nicholas Kay ayaa kahor intii aanu galabta magaalada Garoowe ka duulin wuxuu sidoo kale kulan la qaatay isimadda Puntland intooda magaalada Garoowe ku sugan.

Danjire Kay ayaa ammaanay kaalintii isimmadu ay ku lahaayeen xulista xildhibaannada iyo xallinta khilaafaadkii jirey doorashada kahor, isagoo ku boorriyey inay si dhow ula shaqeeyaan madaxweynaha cusub, ku-xigeenkiisa iyo weliba xukuumadda uu Madaxweyne Gaas dhowaanta soo dhisi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here