Nicholas Kay oo ka Walaacsan khilaafka Xasan Sh & Cabdiweli Sh.Axmed

Nicholas Kay,
Nicholas Kay,

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa mujiyay inuu aad uga walaacsanyahay xasaradda siyaasadeed ee ka dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, oo khatar gelinaya dadaalka dalku ugu jiro inuu gaaro ujeeddooyinka siyaasadeed ee muhimka ah ee lagu qeexay Barnaamijka Aragtida 2016.

“Xafiiska Hawlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya waxaa weligiis ka go’an inuu ka soo baxo xilka loo igmaday oo ah inuu Soomaaliya ku kaalmeeyo hirgelinta nidaam federaal ah, dastuur cusub iyo doorasho la qabto marka la gaaro bisha September sannadka 2016, sida ku qeexan Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah iyo Barnaamijka Aragtida 2016,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

“Waxaa ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada isku haya khilaafka inay raadiyaan xal meel-dhexaad ah oo labada dhinacba raalligeliya oo u ogolaada horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhanka siyaasadda iyo amnigaba inuu sii socdo hakasho la’aan.

“Waxaan garowsanahay oo aan ogahay xilkasnimada xildhibaanada Baarlamaanka ee isxilqaamay iyo hawsha adag ee ay hayaan,

laakiin waxaan ka walaacsanahay eedeymo sheegaya in qaar ka mid ah Xildhibaanada la weydiisanayo inay codkooda lacag siistaan iyadoo laga yaabo inuu dhaco mooshin ‘Kalsooni Kala Noqosho ah’, taasoo dhabarjab ku ah horumarka ay Soomaaliya u qaadayso dhanka isla xisaabtanka iyo hufananaanta,” ayuu raaciyay. “Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeedba waxay mudanyihiin wax sidaas ka fiican.”

Mudane Kay wuxuu ku celiyay baaqii uu dhowaan jeediyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon oo ku baaqay in heerka ugu sareeya ee Dowladda Federaalka laga helo midnimo siyaasadeed iyo hawlaha la hayo oo si wadajir ah u sii socota, wuxuuna sheegay in tallaabo kasta oo uu qaado dhinac kasta ee xasillooni darro siyaasadeed abuurta lagu wargelin doono Golaha Amaanka Qaramada Midoobay, oo la ogeysiin doono in tallaabooyinkaas ay khatar gelin karaan, qasna ka abuuri karaan mustaqbalka hirgelinta Barnaamijka Aragtida 2016.

“Waxaan marka kasta diyaar la ahay inaan dadaalkayga dhexdhexaadin ku bixiyo si aan u raadino xal dhexdhexaad ah; waxaan si dhow ula shaqaynaynaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Urur-Goboleedka IGAD, Midowga Yurub, Ethiopia, Boqortooyada Midoobay ee Ingiriiska, Maraykanka iyo kuwo kaloo badan annagoo baadigoob ugu jirta xal arrinta loo helo,” ayuu raaciyay.

1 COMMENT

  1. Shaqadda ugu MUHIMSAN Qaramadda Midoobe ee Soomaliya waxaa weeye gaarsiinta tabarucaad iyo Caawinaad ku filan Dadka Qaxootiga ah Gudaha iyo dibadda ku barakacay.( Displaced People ). in dadkaasi ay laga cawiyo iney helaan cuno iyo dib u dejin ku filan.
    Laakiin maaha in siyaasadda wadanka dhex gelaan. waayo hadii ay siyaasad wadan ka hadlaan waxay noqoneysaa waxa lo yaqaan (parallel power) ama unug kamid ah unugyadda siyasadda Wadanka. taasina maaha iney dhacdo, sababtoo ah dalka waxa uu leeyahay Dowaladd iyo Nidaam. lamana joogo xiligii dowladd la’aanta.

    Marka Mr kay ha tixgeliyo Madaxbanaanidda iyo Xornimadda Wadanka. Waa hadii ay ka codsadaan inuu soo dhexglo waa gooni. laakiin ta ka horeysa waa ineysan dhex gelin ama ku mashqulin qilaafka u dhexeeyo madaxda sare.

    Wixii qilfaaf ah ee jiro si habsami ah ha u xaliyaan madaxda kale ee Wadanka. si markaasi horey logu socodo, dalkana uu u noqodo mid aan Horumarkiisa Hakad Gelin.

    ugu dambeyntii Mr-kay ha maha inuu sirta wadanka la wadaago wadamo kale, sida qoraalka qeybtiisa dambe ku cad, inuu si hoose ula shaqeyndoono, dowladda meesha qoran. wixii Dalka ka dhacaa waa inuu waqti siiyaa ama uga dhex baxaa madaxda kale ee wadanka yaalo.

    Mahadsanidiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here