Nicholas Kay oo ka hadlay Ahmiyaha Shirka Denmark

Special Representative for Somalia Nicholas Kay. Photo: AU/UN/IST/Tobin Jones
Special Representative for Somalia Nicholas Kay

Ka hor inta aanay billaaban Madasha Wax Wadaqabsiga Heerka Sare (HLPF) taas oo ka dhacaysa Copenhagen 19ka November, oo maanta ku beegan ayaa Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay wuxuu ku boorriyay Dowladda Federaalka iyo saaxiibadeeda caalamka inay diiradda sii saaraan ka miradhalinta faa’iidooyinka Hiigsiga Cusub u leeyahay Dadka Soomaaliyeed.

“Hiigsiga Cusub wuxuu ku saabsanyahay dadka Soomaaliyeed, waxaana iska leh dadka Soomaaliyeed wuxuuna garab taaganyahay dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri SRSG Nicholas Kay. “Waa hannaan lagu xaqiijinaayo arrintaas. Kadib muddo kabadan labaatan sano oo lagu jiray colaad iyo xasillooni la’aan, dadka Soomaaliyeed waxay heli karaan faa’iidooyinka ku jiro amaan iyo dowladnimo hagaagsan. Qaramada Midoobay waxay intii karaankeeda ah ku garab taagnaan doontaa dadka Soomaaliyeed socdaalka loogu jiro xaqiijinta arrimahaas.”
Dhamaad

1 COMMENT

  1. Waa ku mahadsan tahay Mr-kay iyo sida aad u garab taagan tahay umadda soomaliyeed.

    laakiin Dowladda aad adiga ka socoto ( UK ) weli uma bisla iney sida aad wax u aragto, iney uga shaqeeyaan in umadda soomaliyeed u madax banaanato ayaheeda,

    Waxaa ayaan darro ah iney ka garab fureen shirka HIIGSIGA ee coppenhegan, mid kale oo looga hadlayay arimaha dumarka iwm. taasi aan dhihi karo maaheyn waqtigii loo baahna, laguma dhigin meeshii loogu talagay. dadaal kasta oo lala damacsanaa, shirkaasi maaha waqtigiisa.

    DOWLADDA-uk waxay ahayd iney qeyb ka nqoto shirka aama ay soo bandhigto ka dowladd ahaan wixii ay ku biirin karto HORUMARKA wadanka soomaliya. wax wanagsan oo waqti lagu bixiyo maaheyn in shir socda mid kale laga garab furo.

    sida kale shirka waxa uu dhacey jawi wanagsan, waxaan muuqata in dowladda denimarka ay diyaar u tahay iney xiriir wanagsan iyo iskaashi dhaqaale, siyaadad iyo mid difaac-ba la sameyso Jamuuhiradda Federaalka Soomaaliya. saaxiib dhowna la tahay mujtamaca Soomaaliyeed.
    waa mahadsan tahay Denimark. waana soo dhweyneynaa tageeradda aad u fidisey umadda Soomaaliyeed.

    HORUMAR,MIDNIMO,WAX WADA-QABSI,IS AAMINAAD,DIB-UDHIS IYO ISKAASHI BUUXA OO DHEX MARA GUUD AHAAN GAYIGA SOOMAALIYEED ( GEESKA AFRIKA ).

    Balanteena waan hor u socod…iyo in laga barto cashiro wadadii qodxa badneyd ee uu dalka soomaray iyo inaan dib loogu noqon.
    HOREYNA-Loo socdo si dalka iyo dadka u helaan nolol wanaagsan oo deeqda umadda oo dhan.

    Mar dhow- waxaa suuro gal ah/lana hubaa iney isku xirmayaan 2-da magaalo Copanhegan—Muqdisho oo ah Flight toos ah, si loo kobciyo iskaashi XOOGAN oo u dhexeeya labada wadan waa SOOMAALIYA IYO DENIMARK.

    MAHADSANIDIIN.
    waa mahadsan tihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here