Nicholas Kay oo Cambareeyey weeraradii ka dhacay shalay Baydhabo

Special Representative and head of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) Nicholas Kay. UN Photo/Eskinder Debebe
Special Representative and head of the UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) Nicholas Kay

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa cambaareeyay weerarradii argagaxisada ahaa ee shaley ka dhacay magaalada Baydhabo oo laga cabsi qabo inay ku dhinteen ugu yaraan toddobo qof ayna dhaawaceen dad intaa ka badan.

“Waxaan cambaareynayaa weerarradii argagaxisada ee arxan darrada ahaa ee xalay ka dhacay magaalada Baydhabo oo bartilmaameedsaday dad rayid ah, kuwaasoo ay ku waxyeelloobeen dad farabadan, oo ay ka mid ahaayeen dhowr ka mid ah siyaasiyeenta magaalada iyo saxafiyeen. In falal aan loo meeldayin oo sidaas oo kale ah loo adeegsado dadka Soomaaliyeed waxay muujinaysaa sida la yaabka leh ee loogu tuntay mabaadi’da asaasiga ah ee baniaadanimada. Kuwa falalkan ka mas’uulka ah waa in caddaaladda si dhaqsa ah loo horkeenaa,” ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay.

“Qaramada Midoobay iyo AMISOM waxay maamulka degaanka ku taageerayaan in la soo daadgureeyo dadka dhaawaca ah ee u baahan in daaweyn dheeraad ah lagu siiyo magaalada Muqdisho. Waxaa naga go’an inaan taageerno dadka Soomaaliyeed oo ku hawlan sidii ay u xaqiijin lahaayeen rajada ay ka leeyihiin mustaqbal nabad ah oo xasilloon,” ayuu raaciyay.

Ergeyga Gaarka ah Nicholas Kay wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska iyo saaxiibada dhammaan dadkii ku waxyeelloobay weerarradii shaley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here