Nicholas Kay oo cambaareeyay xiisadda ka taagan Baydhabo

Nicholas Kay oo cambaareeyay rabshadaha maalintii 3-aad ka socda Baydhabo
Nicholas Kay oo cambaareeyay rabshadaha maalintii 3-aad ka socda Baydhabo

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa cambaareeyay rabshadaha ka jira magaalada Baydhabo ee la xiriira maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed iyo dil habeenkii Axadda gobolka Bakool loogu gaystay siddeed odayaal dhaqameed.

Nicholas Kay ayaa u jeediyay taageerayaasha hindiseyaasha kala duwan ee maamul u sameynta gobollada koonfur-galbeed inay is xakameeyaan oo ay ilaaliyaan ammaanka iyo xasilloonida.

Isagoo ka hadlayay kulan Isniintii shalay Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika uu ku yeeshay magaalada Addis Ababa, Kay ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay majaraha u qabato hannaanka dhismaha nabadda ee dalka.

Wuxuu tacsi u diray qoysaska iyo saaxiibbada odayaasha la laalay, wuxuuna ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay baaritaan buuxa ku sameyso dhacdada, isla markaana caddaaladda la hor keeno dambiilayaasha geystay dilka waxshinimada ah.

Odayaasha la dilay ayaa ka ambabaxay magaalada Baydhabo oo ay uga qeyb-galeen shirkii lagu dhisay maamulka lixda gobol, waxayna u socdeen gobolka Shabeellaha Hoose oo ay markii hore ka yimaadeen. Waxaa lagu toogtay meel u dhow magaalada Buurhakaba ee gobolka Baay.

Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay ka dambeysay weerarka, balse Al-Shabaab waa ay beenisay eedeynta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here