Nicholas Kay oo cambaareeyay qaraxii Muqdisho

Nicholas-Kay-300x300Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa sheegay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu si xooggan u cambaaraynayo qarax shalay ka dhacay Muqdisho.

Danjire Kay ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay falkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, wuxuuna tacsi u diray ehelada dadkii dhintay.

Wuxuu sheegay in aanay jirin shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo ku dhaawacmay weerarka, balse wuxuu tilmaamay in ay jiraan afar qof oo ilaalo ahayd oo ay dhaawacyo fudud soo gaareen.

Danjiraha ayaa xusay in uu xoogaa burbur ah soo gaaray baabuur ay wateen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay oo xilliga uu qaraxa dhacayay halkaas marayay.

Qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa sababay dhimashada lix qof oo rayid ah iyo dhaawaca 15 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here