Nibiri weyn oo laga helay xeebta magaalada Karachi [Sawiro]

Nibiri dhirikiisu yahay 35-foot culeyskiisuna la egyahay 7,000 oo Kiilo Garaam ayaa kusoo caariyey xeebta magaalada Karachi ee dalka Pakistan iyadoo kumanaan dadweyna ahna ay u daawasho tageen.

Kuluumeysato soo heshay nibiragan oo noociisa oo kale uu dhif iyo naadir ku yahay aduunyada ayaa sheegay in mudo sadex maalin ah uu ku jiri doono hoolka dakada Karachi si dalaaliintu ay suuq ugu helaan.

Kaluumeysatada ayaa awoodi waayey shalay subaxdi in ay soo saaraan, iyaga marki danbana ku war geliyey maamulka si ay dibada ugu soo saaraan, waxaana marki danbe lagu soo bixiyey laba wiish oo aad u waaweyn.

Maamulka qeybta kalluunka ee dakada Karachi ayaa waxay ku qaadatay mudo afar saacadood ah sidi ay dibada ugu soo saari laheyd Nibiriga oo culyeskiisu ahaa 7 tan, waxa marki hore uu soo galay xeebta Gadani ee deegaanka Balochistan, kadibna wuxuu isku soo maqiiqay xeebta Karachi.

Kalluumeysatu waxay sheegayaan in ay heleen isaga oo dhintay, laakin machadka daraasaadka xayawaanada ee KFHA ayaa rumeysan in la dilay.

“Waxa uu ahaa mid dhintay marki ay asxaabteyda halayeen,” sidaa waxaa yiri Muhammad Yousuf, oo leh doonidi loo adeegsaday marki la keenayay dakada agteeda, waxa uu intaasi ku daray in ay gadi doonaan hilibkiisa.

Madaxa Nibiriga ayaa go,sanaa marki la keenayey dhagahana weey dhiigayeen waxaana lagu soo waramayaa in qeyb yar oo ka mid ah maqribki xalay lagu gaday Rs200,000.

Hafeezur Rehman oo ah dalaal sare oo dhinaca kalluunka ah ayaa sheegay in lacagta lagu iibin doono nibiraga hilibkiisa ay ku kici doonto Rs1.7 million (Hal Milyan iyo bar) lacahta rubiga Paksitan.
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.