Neymar: Waxay riyadeeda tahay in aan u ciyaaro Barcelona

Xidigga reer Brazil Santos ayaa soo jiitay kooxo badan oo ka dhisan Yurub, kuwaasoo damacsan in la soo wareegaan oo ay ka keenaan kooxda Santos.

Waxaa la sheegay haddii uu dhammaado koobka adduunka oo sannadka dambe lagu qabanaayo waddanka Brazil in u soo aadi doono dhinaca Yurub.

Kooxaha la sheegay in ay la soo wareegan waxaa ka mid ah Real Madrid iyo Chelsea kuwaasoo la dhacay qaab ciyaareedka xidiggan dheer.

Neymar ayaa go’aan ku gaaray in uu ka dhaqaajiyo kooxda Santos isagoona baadi gobaya koox uu ku biira sida  Barcelona oo uu la dhacsan yahay hadda.

Waxaa la sheegay in uu ka dhaqaajin doono Koonfurta America isagoona qabanaya Yurub iyo Barca oo aad u rabta in ay la soo wareegto ciyaaryahankan.

Neymar isaga ayaa qiray in uu aad u jecel yahay in uu ka barbar ciyaaro  Lionel Messi iyo ciyaartoyda kale ee Barca.

Isagoo la hadlaayay wargeyska Esporte Espetacular ayaa la weydiiyay kooxda uu jeclaan lahaa in uu ka ciyaaro, iyo ciyaaryahanka uu jecel yahay in ay iska garab ciyaaraan, isagoo jawaabta hal haleen u tuuraya ayuu yiri “Waxaan  jeclaan lahaa in ay garbaheyga ka ciyaaraan Messi, Xavi and [Andres] Iniesta? Waayo  waa xidigo aad muhiim u ah,wuxuu intaas ku daray waxaan ku riyoodaa in ka ciyaaro Yurub gaar ahaan kooxaha waaweyn sida Barcelona, Real Madrid iyo Chelsea.

“Haa, Barcelona waa kooxda ugu wanaagsan adduunka, waxaa u ciyaara ciyaartoy waaweyn sida Xavi, Iniesta, [Cesc] Fabregas iyo  Dani Alves.

Tartanka adduunka 2014-ka ayaa hadda waxaa ka harsan wax ka yer 18-bilood, waxaana uu ka dhacayaa waddanka Brazil.

Ugu dambeen wuxuu ammaanay macalinka kooxda qaranka Brazil Luis Felipe Scolari oo u ku tilmaamay tababare aad u wanaagsan fursadna ka siiyay kooxda qaranka dalkiisa .

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here