Neymar oo u mahadceliyay kooxda Barcelona

Xidigga kooxda Santos, Neymar ayaa soo dhaweeyay wararka sheegaya in kooxda Barcelona ay isaga dooneyso oo la soo wareegto marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan.

21-jirkan ayaa dhammaan 4-gool dhaliyay kulankii kooxda ay la yeelatay Sabtidii Uniao Barbarense.

Ciyaaryahankan ayaa noqday xiddiga loogu raadis badan yahay qaaradda Yurub, waxaana isku heesta kooxda Spain ee Barcelona iyo Real Madrid oo xifaaltan uu ka dhexeeyo.

Ciyaaryahanka reer Brazil ayaa ku taamaya mar uun inuu ka ciyaaro qaaradda Yurub., waxaana arrintaas ku qalqaaliyay aabihiis iyo labo ka mid ah weeraryahanada kooxda Santos oo kal horre wada-hadal la yeeshay wakiilo ka socday Barcelona.

Neymar ayaa u ciyaaray kooxda dalkiisa 31-kulan oo ciyaaro caalami, waxaana uu ka mid ah xidiggaha kooxda qaranka ay ku tashaneyso sannadka na soo aadan 2014-ka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here